Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal u dhexeeya Ciidanka Puntland iyo Daacish (VIDEO)

Ciidammada Amniga Puntland ayaa weli ka wada buuraleyda Calmiskaad ee Gobalka Bari howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Daacish, waxaana maalmihii ugu dambeeyay ka soconayay dhulka buuraleyda dagaalo u dhexeeya labada dhinac.

Taliyaha Ciidammada PMPF Dowladda Puntland G/Sare Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed, ayaa Warbaahinta BBC News Somali warbixin ka siiyey hawlgallada Ciidamada Dowladda Puntland ka wadaan buuralayda Calmiskaad, kuwaasi oo lagu soo af-meerayo firxadka Argagixisada.

G/Sare Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed, ayaa sheegay in dagaalo dhexmaray Ciidamamda iyo Daacish, lagu dilay maleeshiyo kooxda katirsan, sidoo kalena lagu qabtay maxaabiis,iyo saanad ay laheyd kooxda Daacisho, waxaana uu intaas ku daray in Ciidammada Puntland ay burburiyeen saldhigyo ay laheyd kooxda Daacish, oo ku yaalay buuraleyda ku dhow dhow deegaanka Balli-dhidin.