Dad isku qoys ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Gobalka Mudug

Dabley hubeysan ayaa xalay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ku qaaday qoys Reer miyi ah oo degan agagaarka deegaanka Saax-qurun oo dhaca galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Weerarka oo ahaa Aano-qabiil ayaa sababay dhimashada Aabbe iyo Labo carruur ah oo uu dhacay, sidoo kale weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay Wiil yar oo 8 sanno jir ah.

Idilnews