Puntland oo sheegtay inay Al-Shabaab ka bilowday Gaalkacyo qorshe cusub (VIDEO)

Taliyaha xabsiga dhexe ee Gobolka Mudug ee Puntland Gashaanle Sare Aadan Nuur Qaal, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay howlgallada la-dagaallanka Al-Shabaab ee ka socanaya Gobolka Mudug.

G/Sare Aadan Nuur-Qaal ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland in ay doorkooda ka qaataan olalaha balaaran ee la dagaallanka Al-Shabaab oo uu tilmaamay in ay bilbeen adeegsiga qorshayaal cusub.