Wafti ka socda Puntland oo lagu soo dhaweeyay magaalada Badhan (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse iyo Wafti uu hogaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Badhan.

Wasiirka iyo waftigiisa ayaa waxaa duleedka Degmada Badhan kusoo dhoweeyey boqolaal kamida shacabka degmada kuwaaso kaga hor yimi duleedka Magaalada, Soo dhowaynta ayaa waxaa ka qayb ka ahaa Gudoomiyaha gobolka Sanaag, Duqa degmada Badhan, Taliyaha Booliska, Nobadoona, Cuqaalka, Ganacsato, Haween iyo Qaybaha kala duwan ee dhallinyada Degmada Badhan.

Wasiirka iyo waftigiisa Ayaa u yimi hawlo shaqo wuxuuna kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee Bulshada.