Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyadda Jubbaland oo xilkii la wareegay (Sawirro)

Madaxwayne ku-xigeenka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday madaxtooyada Jubbaland.

Madaxwayne ku-xigeenka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa goob joog ka ahaa munaasabad dhaarin iyo xil wareejin isugu jirtay oo uu xilka kula wareegayay wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland mudane Cabdirashiid Jire Qalinle.

Markii ay dhacday xil wareejintu waxaa munaasabadda kalmad ka jeediyay wasiiru dowlihii hore mudane Xirsi Jaamac Gaani oo ugu horreyn soo dhaweeyay wasiirka cusub sheegayna in uu ku kalsoonyahay aqoonta, khibradda iyo waayo aragnimada wasiirka cusub ee madaxtooyada. Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa sheegay in uu u gudan doono shaqada xafiiska uu la wareegay sida ugu wanaagsan.

Madaxwayne ku-xigeenka ayaa ku ammaanay wasiiru dowlihii hore shaqadii quruxda badnayd ee uu ka qabtay madaxtooyada intii uu xilka hayay, waxaana uu sido kale kula dardaarmay wasiirka cusub in uu u guto shaqada si wanaagsan yahayna wasiir horey xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladda Jubbaland.