Akhriso: Puntland ma ka faa’ideysan doontaa kicinka Bulsho ee ka taagan Laascaanood ?

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool ayaa waxaa maalmo ka taagan xiisad u dhexeysa Bulshada deegaanka iyo Maamulka Somaliland.

Xiisadan ayaa salka ku heysa xarig uu Booliska Somaliland u geystay qaar kamid ah Shacabka iyo Waxgaradka Laascaanood, kuwaas oo loo dhaadhiciyay xabsiyo ku yaalla deegaanada kale ee Somaliland.

Dadka la xiray ayaa loo heystaa inay calanka Baluuga ah ee Soomaaliya ay ku dhex qaateen gudaha magaalada Laascaanood maalmihii xoriyadda ee 26-June iyo 1-Luulyo. Talaabada lagu xiray dadkan ayaana waxaa ka carooday bulshada deegaanka oo ay ugu horeeyaan Isimada iyo Waxgaradka deegaanka, kuwaas oo qaarkood horey ugu janjeereen Somaliland.

Waxgaradka iyo Isimada oo saxaafadda kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa sheegay inay ka tashan doonaan Maamulka Somaliland, ayna ka qaadan doonaan go’aan adag. Iyadoona sidoo kale magaalada Laascaanood qeybo kamid ah haatan laga lulay calanka Soomaaliya.

Xukuumadda Puntland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la sheegay inay haatan wado qorshe ay kusii xoojinayso kicinka bulshada Laascaanood, iyadoona ay jiran shirar looga hadlayo xaalada Laascaanood oo ka soconaya magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Puntland ayaa magaalada Laascaanood laga qabsaday sanadkii 2007-dii, waxaana ay haatan gacanteeda ka maqan tahay muddo 14 sanno ah, waxaana Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad uu dhowaan sheegay inay wadaan qorshe ay dagaal la,aan kula wareegayaan gacan ku heynta magaalada Laascaanood.

Idilnews