Dowladda Jabuuti oo iibineysa saami ka mid ah shirkadda Jabuuti Telecom

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jabuuti ayaa lagu shaaaciyay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti ay Axaddii shalay ansaxisay xeer qabyo ah oo ku saabsan in shirkadda isgaadhsiinta ee dalkaasi ee Jabuuti Telecom oo ay dowladdu leedahay , qayb yar oo ka mid ah saamigeeda laga iibiyo maalgashadayaasha lagu kalsoonyahay ee shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Wa-rsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qodobkan lagu gorfeeyay shir ay yeesheen xubnaha golaha wasiirada ee Jabuuti oo uu shir guddoominayay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Tallaabadan ayaa ah mid ay xukuumadda Jabuuti ku tilmaantay tallaabo Taariikhi ah oo suurtagalinaysa in la furfuro lana horumariyo dhaqaalaha dalkaasi oo ay inta badan gacanta ku hayso dowladda.

War-saxaafadeedka madaxtooyada Jabuuti ayaa lagu sheegay in meelmarinta xeerkan ay xukuumaddu u adeegsan doonto talada iyo aqoonta shirkado iyo khubaro calami ah, kuwaasi oo gacan ka gaysan doona sidii loo hirgalin lahaa qorshahan.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay horumarinta dhaqaalaha, kaas oo la rabo inuu la jaanqaado dhaqaalaha casriga ah ee ku salaysan Internet-ka.