Feysal Cali Waraabe “Sharci baa lasoo saaraya, qofkii lagu arko calanka Soomaaliya” (VIDEO)

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID  Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lasoo saari doono sharci dambi ka dhigaya in gudaha Somaliland lagu sito calanka Soomaaliya.

“Sharci baa lasoo saaraya, qofkii lagu arko in uu sito calanka Soomaaliya waa dambigeeda waa la qoraya, xeer baa laga soo saaraya”.

Sidoo kale, Feysal Cali Waraabe oo ka hadlayay magaalada Boorama ayaa sheegay in lasoo saari doono xeer tallaabo looga qaadayo dadka jeedinaya hadallada colaada horseedi kara.

Somaliland ayaa dhowr jeer degaannadeeda waxaa ay ku xirxirtay dad xirnaa dhar laga sameeyay Calanka Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood ku jira xabsiyada, markii la xiray intii lagu guda jiray todobaadkii xooriyadda.