Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu boobay dalka Koonfur Africa

Waxaa weli rabshado xoogan ay ka socdaan magaalooyin iyo degaano ka tirsan dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ay hormuud u yihiin taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalkaas oo dhawaan 15 Bilood oo Xabsi ah lagu xukumay.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa rabshado xoogan iyo boob loo geystay Dukaamo ay leeyihiin Soomaali ay ka dhaceen Magaalada Johannesburg, sidoo kale la gubay Gaadiid ay leeyihiin Soomaali, Itoobiyaan iyo dad u dhashay dalka Koonfur Afrika.

Cumar Cabdullaahi oo kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Johannesburg ayaa sheegay Hanti farabadan oo Soomaali leeyihiin la dhacay, isla markaana weli rabshadaha ay socdaan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in badi Ganacsatada Soomaalida ay hantidooda la baxeen, iyaga oo kaashanaya Ciidamada Booliska Koonfur Afrika, si ay u badbaadsadaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa Ganacsiyo farabadan ku heysta dad u badan Soomaali iyo Itoobiyaan, balse waxaa ay inta badan dil iyo in la boobo hantidooda ay kala kulmaan Burcad Koonfur Afrikan ah, iyada oo aysan jirin cid wax ka qabata.

Idilnews