Guddiga doorashada heer Hirshabelle oo doortay Guddoomiye iyo kuxigeen

Guddiga doorashada ee dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa goordhow doortay Guddoomiye iyo Kuxigeen, waxaana Guddoomiyaha loo doortay Axmed Xasan Diini oo wareegtadii sanadkii hore ka soo baxday Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Guddoomiye loogu magacaabay Guddoomiyaha Guddiga doorashada.

Doorasho saaka ka dhacday Hotel ku yaalla gudaha Air Porka ayaa Axmed Xasan Diini waxaa uu ku helay 10 cod, sidoo kale waxaa Kuxigeen loo doortay Xaliima Maxamed Cismaan oo heshay 11 cod, iyadoo aanay jirin cid la tartantay.

Doorashada Guddoonkan ayaa hakad u galay arrimo Farsamo iyo sidoo kale in lala sugayay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo safar ugu maqnaa dalka Turkiga intii Guddiyada is dooranayeen.

Inta badan hoggaankii Guddiyada doorashada heer dowlad goboleed iyo heer Federaal ayaa dib loo doortay, inkastoo is bedel iyo kala shaandheyn lagu sameeyay xubnihii guddiga ee lagu muransanaa, haddana ma jiro wax is bedelay oo ku aadan hoggaanka guddiyadaas oo sidoodii u soo laabtay, waxaana durba soo baxaya hubaal la’aan ku aadan dhex dhexaadnimada guddoonka guddiyadan dib loo doortay, maadaama ay ku jireen liiskii raggii Midowha Musharaxiinta ay soo eedeeyeen, balse ka badbaaday kala shaandheyntii xubnaha qaar looga saaray guddigii hore ee lagu muransanaa.