Kuuriyada Koonfureed oo xayiraad kusoo rogtay dalal ay ku jirto Soomaaliya

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay ku dhawaaqday inay  kordhisay xayiraada dhinaca socdaalka ah oo ay kal hore kusoo rogtay dalal ay kujirto Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kuuriyada Koonfured ayaa lagu shaaciyay in la kordhiyay xayiraada dhinaca socdaalka sababo la xiriira dhanka amniga, kuwaas oo kala ah, Ciraaq, Suuriya, Yemen, Liibiya, Soomaaliya, Afgaanistaan iyo gobolka koonfureed ee jasiiradaha Filibiin – Zamboanga Peninsula, Sulu, Basilan iyo Tawi-Tawi.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Go’aankan uu dhaqan galayo laga bilaabo Agoosto 1 ilaa Janaayo 31, 2022, isla markaana dalalkan ay yihiin kuwo daashaday halista joogtada ah ee weerarada ka yimaadda kooxaha argaggixisada iyo xasillooni darro siyaasadeed.

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa Xayiraada dhinaca socdaalka waxaa ay dalalka   Ciraaq, Suuriya, Soomaaliya iyo Afgaanistaan kusoo rogtay sanadkii 2007, Yemen sanadkii 2011, Liibiya 2014 iyo jasiiradaha Filibiin sanadkii 2015-kii.

Go’aanka ay dowladda Kuuriyada Waqooyi ay kusoo rogtay dalal ay kujirto Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka Soomaaliya ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM oo dhinac ah & Al-Shabaab.