Laba qof oo loo xukumay kiiska ‘shirqoolkii afgambi’ ee Jordan

Maxkamad amni oo ku taalla dalka Jordan ayaa maanta laba sarkaal oo hore ku xukuntay min 15 sano oo xabsi ah, sababo la xiriir shirqool la tuhunsan yahay in lagu afgambin lahaa Boqor Cabdallaha Labaad, kaasi oo uu ku lug lahaa walaalkiis.

Bassem Awadallah, oo haysta dhalashada Mareykanka, sidoo kalena kaaliye sare u ahaan jiray boqor Cabdalla, iyo Sharif Hassanbin Zaid, oo ah xubin ka tirsan qoyska boqortooyada ayaa lagu helay eedeymo la xiriira qiyaameyn qaran iyo rabshad hurin.

Waxaa la tuhunsan yahay in ayaga iyo Amiir Hamzah, oo ah boqorka walaakiis ay raadiyeen kaalmada gacmo shisheeye. Labadaba waa ay beeniyeen eedeymahan, waxaana Alaa al-Khasawneh oo ah qareenka Sharif, uu sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunkunka.

Qoyska boqortooyada ayaa sheegay in arrinta Hamzah loo xaliyey hab qoys, oo illaa hadda aan la shaacin, mana jirin wax dacwado ah oo lagu soo oogay.
Qareenka Awadallah oo Mareykan ah ayaa sheegay in kalyantigiisa lagu jirdilay xabsiga, islamarkaana uu u baqayo noloshiisa.

Michael Sullivan oo ahaan jiray dacwado ooge federal oo Mareykan ah oo ay shaqaaleeyeen qoyska Awadallah ee Mareykanka degan ayaa AP u sheegay in maxkamadda ay “gebi ahaan aheyd mid aan dhex-dhexaad aheyn.”

Awadallah oo sidoo kale haysta dhalashada Jordan iyo Sacuudiga ayaa wasiir iyo madaxa maxkamadda boqortooyada ka ahaa Jordan. Waxa uu sidoo kale mar la-taliye u ahaa dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

AP/VOA