Laftagareen oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, iyo Wafti uu hoggaaminayo oo safar ku tagay Dalka Nigeria ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa safarkiisii Nigeria, si gaar ah ugu tagay Ismaamulka Kaduna, oo ay wada saxiixdeen heshiisyo ay yagleelayaan xariir iyo iskaashi dhexmara Labada dhinac.

Idilnews