Puntland oo xukun ku riday Rag dilay duurjoog badan (VIDEO)

Dowladda Puntland ayaa xukun isugu jira xabsi iyo ganaax ku riday 4 Nin oo dhowaan Ciidanka Booliska Puntland ay ku qabteen magaalada Burtinle ee Gobalka Nugaal, xilli ay wateen ku dhowaad 40 xabo oo Sagaaro iyo Goronyo ah, kuwaas oo ay soo dileen si ay uga ganacsadaan.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Dawladda Puntland Maxamuud Xasan Ow-cismaan ayaa faah-faahin ka bixiyey xukun iyo ganaax lagu riday rag dhawaan duur-joog dabargoon ku sameenayey.