Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaal beeleedyo ka bilowday Gobalka Gedo (VIDEO)

Dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, una dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa ka dhacay deegaanka Bohol-garab oo hoostagta degmadda Doolow ee Gobalka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan oo salka ku haya isku qabsi dhul ku yaalla deegaanka, ay ku geeryoodeen shan Ruux, halka tonan ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in ka Jubbaland ahaan ay aad uga xun yihiin dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamay inay colaada joojiyaan, waxaana uu sidoo kale Ciidamada dowladda uu ka codsaday inay kala dhexgalaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

Idilnews