Wasiirka Waxbarashada DFS oo soo gaaray magaalada Garoowe (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Cabdullaahi Abuukar Xaaji, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Wasiir Cabdullaahi Xaaji ayaa ka qeybgalaya Shirka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya, kaas oo u dhexeeya Wasaaradaha Waxbarashada DFS, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir, ayna marti-galinayso Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland. Shirka ayaa galabka ka furmaya magaalada Garoowe, waxaana uu socon doonaa maalmo.

Idilnews