XOG: Kulamo ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ka soconaya Garoowe

Jahwareer siyaasadeed ayaa soo foodsaaray Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland, kaddib ansixintii Wax-ka-bedelka xeer hoosaadka Golaha ay ku sameeyeen 4 bishan July.

Wax-ka-bedelka Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland ayaa Awood dheeraad ah siinaya Guddoonka iyo xubnaha Golaha, sida in xasaanada ay ka qaadi karaan, 44 Mudane, si lamid ah Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Talaabadan ayaa ka careysiisay Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo wadaygiisa siyaasadda, iyagoo bilaabay Olale ka dhan ah Wax-ka-bedelka xeer hoosaadka Golaha iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Waxaana safar uu ku joogay Dalka Sweden soo gaabiyay Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo ah u xil-saaranaha Madaxtooyadda ee gacan ku heynta Baarlamaanka.

Xasan Shire Abgaal ayaa hada ka wada magaalada Garoowe kulamo uu la  yeelanayo Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo lagu qancinayo inay kusoo laabtaan garabka Madaxtooyadda, badelkeedana la siiyo dhaqaale iyo in ay dad ay wataan keensadaan kuraasta Xukuumadda ku matasha beelahooda.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa bilaabay kulamo uu xal ugu raadaniyo culeys kaga yimid Madaxtooyadda Puntland, Waxaana uu waji gabax kala soo kulmay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo dhowaan uu ku booqday hoyiga uu ka degan yahay magaalada Garoowe, kaddib markii uu sheegay in uusan dhex gali karin Siyaasiyiin is heysata, sidoo kalena uu u soo jeedinayo dhinacyada in loo turo Dalka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Wax-ka-bedelka Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland, uu ka dambeeyay khilaaf soo kala dhexgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland iyo Madaxweyne Deni, kaas oo salka haya doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Abwaan ayaana dalbaday in 5 xubnood laga siiyo, 11 Senator ee Puntland ku matala Aqalka Sare, iyadoo Siciid Deni uu ku gacan seyray.

Idilnews