Ciidanka Jubbaland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Jaziirada Kudhaa

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay duleedka degaanka Jasiirada Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka auaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Jubbaland kana soo baxay degaanka Jasiirada Kudhaa ay wadada u galeen Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro kala duwan.

Dadka degaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee Ciidamada Jubbaland ay dib ugu laabteen degaanka Jasiirada Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab dagaalkii ay kula galeen duleedka degaanka Jasiirada Kudhaa, isla markaana ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal u dhaxeeya Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Idilnews