Mareykanka oo hanjabaad u diray Dowladda Itoobiya (VIDEO)

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price, oo saxaafadda la hadlayay ayaa ka digay inuu sii socdo xasuuqa lagu hayo dadka Gobalka Tigreega, kaas oo salka ku haya aargoosi.

“”Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerar kasta oo aargudasho ah oo lala beegsaday ama laga yaabo in lala beegsado dadka rayidka ah ee gobolka Tigreega, ha ahaato mid abaabulan oo militari ama xoogag amni ama kuwa anshax xumada leh.”

Waa hadalkii labaad ee caawa kasoo baxa beesha caalamka, Midawga Yurub ayaa asna caawa Hanjabaad cunaqabateyn usoo direy dowlada Ethiopia.