VIDEO: Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga Amniga Doorashooyinka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

Kulanka ayaa looga hadlay sugida Amniga Doorashooyinka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa in si Amman ah ay ku qabsoonto doorashadu.