VIDEO: Shirka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya oo ka soconaya Garoowe (Sawirro)

Waxaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka furmay galinkii dambe Isniintii, Shirka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya, oo ay ka qeybgalayaan Wasiirada Waxbarashada DFS, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Shirka oo ay martigalineyso Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa lagu gorfeyn doonaa maalmaha uu socdo Hormarinta Waxbarashada Dalka iyo caqabadaha jira.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Cabdullaahi Abuukar Xaaji, oo Shirka furay ayaa sheegay in Shirkan uu muhiim u yahay bahda Waxbarashada dalka, si la iskula sii meel dhigo Hormarinta Waxbarashada, caqabadaha jira, iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta Wasaaradaha Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleedyada.