Wasiir Xamsa oo shaaciyay arin ceeb ku ah Wasiirka Gargaarka DFS Khadiija (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee DFS Xamsa Saciid Xamsa, ayaa sheegay Wasaaradda marki uu la wareegayey aysan lahayn xafiis lagu shaqeeyo.

Wasiir Xamsa wuxuu sheegay wasaaradda marka uu tagay shaqaalaha wasaaradda sanad iyo bar ilaa iyo laba sano iney fasax ku maqnaanyeen mushaarna qaadanayeen.

Marki aan weydiiyey halka lagu shaqeeyana waxaa la ii sheegay ayuu yiri iney wasaaraddu lahayn xaruun ay ku shaqeyso shirarkana lagu qabto huteellada iyo xaafadaha.

“Muddo seddex bilood waxayigu qaadatay wasaarada inaan dejiyo, xafiis u raadiyo, shaqalaha howlgeliyo si wasaaraddu shaqadeeda ay u qabsato” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DFS.

Wasiir Xamza ayaa xilka wasiirnimo loo magacaabay bishii Oktober 2020 isaga oo beddelay wasiiraddi xilka kaga horreysay Khadiijo Maxamed Diiriye, oo haatan ah Wasiirka Gargaarka, waxaana arintani ay muujinaysa fashilka Khadiijo Diiriye.