Dalalka ay ka socdaan Ciidanka AMISOM oo kulan ka leh la bixitaanka Ciidamadooda.

Khubaro Farsamo oo ka kala socday Dowladaha Afrikaanka ee Ciiddankooda qeybta ka yihiin Hawlgalka AMISOM ayaa waxay Kulan Wada-Tashi ku yeesheen caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Shirkaasi waxay uga wada xaajoodeen Qorshaha Guud ee Hawlgalka AMISOM iyo sidii ay Ciiddankooda ugala bixi lahaayeen Somalia dabayaaqada sanadkan 2021-ka.

Kulankaasi waxaa la isku afgartay inay dalalkaasi Mowqif Guud ka istagaan, marka ay  Ciiddamada Isku-dhafka ka bixi doonaan Somalia dhamaadka sanadkan 2021-ka.

Go’aankaasi ayaa la gaaray muddadii uu Shirkaasi ka socday Kenya, halkaasi oo looga xaajooday Hawl-gelinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM kadib sanadka 2021-ka.

Ciiddamadda Nabad-Ilaalinta ee AMISOM waxaa la rajeynayaa inay dalka Somalia ka huleelaan bisha December 31-da ee sanadkan, haddii aysan Golaha Ammaanka ee QM u codeynin muddo-kordhin kale ee Joogitaanka AMISOM ee Somalia.

Dhinaca kale, Khubarada Farsamadda ee ka kala socday dalalka Afrikaanka ee ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia waxay ku baaqeen Ka hor inta aan la gaarin dhamaadka Xilli-hawleedka AMISOM inay Wada-tashiyo Wadajir ah yeeshaan Ururka Midowga Afrika, IGAD, QM, Guddiyada dalalka ay Milliteriga iyo Boliska ka joogaan Somalia, DFS iyo Dowlad-gobaleedyada xubnaha ka ah Federalka Somalia.

Ugu dambeyntii, Taliska AMISOM waxay soo dhaweeyeen Codsiga Soo-jeedinta ee ku aadan in loo wareejiyo Hawlgalka Midowga Afrika iyo QM, si loo xaqiijiyo Deganaansha dalka Somalia ee (AU-UN Multidimensional Stabilization Mission in Somalia).