DP World oo sheegtay in Maxkamad uga guuleysatay dowladda jabuuti

Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in maxkamadda Magaalada London ay go’aamisay in dowladda Jabuuti ay jabisay heshiis wadajir ah oo ay wada galeen oo ku saabsan horumarinta dekadda Jabuuti, isla markaana ay isku dayeen inay soo afjaraan.

DP World, oo ah mid ka mid ah shirkadaha ugu waa weyn adduunka ee ka shaqeeya dekedda, iyo Jabuuti ayaa muran ka taagnaa tan iyo sanadkii 2012 oo ku saabsan ogolaanshaha shirkadda DP World inay maamusho Terminalka dekadda Doraleh, iyada oo la marayo waddooyinka ganacsiga ee istiraatiijiga ah marinka koonfureed ee laga galo Badda Cas.

Jabuuti ayaa sheegtay in 2018 ay ku wareejineyso terminal-ka gacanta Shirkadda DP World, balse  tan iyo xilligaasna ay maamuleysay dekadda  shirkad maamul oo ay leedahayo dowladda Jabuuti.

DP World waxay ku tilmaamtay qabashadaas mid sharci-darro ah, waxayna Maxkamadda London ee Xalinta Khilaafaadka Caalamiga (LCIA) xukuntay bishii Ogoosto ee sanadkii  2018-kii in qandaraaska ay shirkaddu ku leedahay Jabuuti uu ahaa mid ansax ah.

Dhexdhexaadinta Maxkamadda London ayaa u sii gudbi doonta wajiga labaad si loo go’aamiyo khasaaraha ay shirkadda PDSA ku leedahay shirkadda DP World, ayaa lagu yiri bayaanka DP World.

DP World waxay sheegtay inay raaci doonto dhammaan dariiqyada sharci ee ay ku difaacayso xuquuqdeeda saamilay ahaan Terminalka dekadda Doraleh, oo ay ku leedahay meel saddexaad.