Howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga oo ka socda magaalada Gaalkacyo

Ciidammada Booliska Galmudug ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka sameeyay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Howlgalada ayaa intii ay socdeen waxaa baaritaano lagu sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay waddooyinka Magaalada, waxaana Ciidanka ay su’aalo la xiriira amniga weydiinayeen dadka saaran gaadiidka.

Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Mudug u qaabilsan Galmudug Gaashaanle Maxamed Mire iyo Taliyaha Saldhiga Gaalkacyo Kaptan Cali Xirsi Sahal ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaan la sameeyay uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga, isla markaana looga hortegayay falalka amni darro iyo maandooriyaha Khamriga.

Idilnews