Kulan looga hadlayo dardar-gelinta shaqada Dowladda Hoose oo ka dhacay Gaalkacyo (Sawirro)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland mudane Maxamed Cali Nuur Jubba oo ay Wehlinayaan Qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kormeer shaqo ku tagay magaalada Gaalkacayo isagoona kormeeray xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacayo.

Ujeedka kormeerka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa salka ku hayey u kuur galida Shaqooyinka ka socda xarunta Dowladdaha Hoose Gaalkacayo, xoojinta wada shaqeynta Bulshada iyo Dawladda, iyo dardargalinta shaqooyinka horyaala Maamulka Degmada Iyo Arrimaha Hormarinta Degmada Gaalkacayo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland mudane Jubba Cali Nuur ayaa sidoo kale kulan isxog waraysi shaqo la qaatay Maamulka Degmada waxaana kulankaas Goob joog Ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gobalka mudug Maxamed Xasan Waloore.