Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay geerida Ugaas Axmed Barre Cali Taakooy

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Ugaas Axmed Barre Cali Taakooy, oo kamid ahaa Isimada dhaqanka deegaanada Galmudug.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook Madaxweyne Ahmed Mohamed Islaam ayaa lagu yiri “guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda dhaqanka, qoyskii uu ka baxay iyo Bulshada ree Galmudug waxaan uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Allah ha u naxariistee Ugaas Axmed Barre Cali Taakooy.”

“Ilaahay naxariis Jano ha siiyee Ugaas Taakooy oo kamid ah hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed oo mar walba door muhiim ah ka qaata howlaha dib-u-heshiisiinta, shacabka Soomaaliyeed waxaa uu kamid ahaa duubabka dhaqanka ee wakhtigooda ugu badan ku bixiya walaalnimada iyo wadajirka Bulshada.waxaan Alle uga baryayaa marxuumka inuu rabi janadii fardowso ka waraabiyo dhamaan shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan ka siiyo.”

Idilnews