Magaalooyin taariikhi ah oo burburay oo laga helay dooxada Nugaal (WARBIXIN)

Wargeyska Azania oo daabaca cilmi-baarista hore iyo aathaarta taariikhiga ah ayaa dhowaan daabacday warbixin ka hadlaysa magaalooyinka taariikhiga ah ee Soomaaliya qaarkood, kuwaasi oo burburay qarniyaal kahor.

Cilmi-baaristan ayaa si faah-faahsan uga hadlaysa saddex magaalo oo laga helay dooxada Nugaal, waxaana sameeyey Siciid Shidaad Xuseen oo la shaqeeya hay’adda cilmi-baarista Puntland Development and Research Center (PDRC) una qaabilsan qaybta cilmi-baarista culuunta bulshada sare.