Olalaha Tallaalka cudurka Dabeysha oo ka bilowday deegaanada Puntland (Sawirro)

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta ka bilowday deegaanada Puntland Olalaha Talaalka Dabaysha, kaas oo ay Wasaaradda ka gacan siinayso Hay’adda Hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO.

Munaasabad lagu daah-furayay Tallaalka ayaa ka dhacday dhamaan xarumaha Gobalada Puntland, iyadoona kooxo caafimaad oo wada tallaalka ay ka howlgaleen dhamaan deegaanada sagaalka Gobal ee Puntland.

Maxamed Jamac Qorile, Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee gobolka Nugaal oo labadii dhibcood ee talaalka siiyey ilmihii ugu horeeyey ee talaalka qaata maanta, ayaa waalidiinta kula dardaarmay inay carruurta Talaalaan, maadama labo dhibcood oo talaalka dabaysha ah caruurtooda ka badbaadin karto Curyaanimada uu sababo Cudurka dabaysha.