Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xildhibaannada ka soo jeeda gobobllada woqooyi.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay, isagoo u xaqiijiyay in guud ahaan doorashada, gaar ahaanna kuraasta gobollada woqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.