VIDEO: Shirka Hormarinta Biyaha iyo Tamarta Puntland oo ka furmay magaalada Garoowe (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), ayaa maanta daah-furay Shirka wada-tashiga bah-wadaagta Biyaha iyo Tamarta Puntland.

Shirka oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa diirada lagu saari doonaa sidii loo horumarin lahaa Biyaha iyo Tamarta Puntland, iyadoona si gaar ah loogu gorfayn doono caqabadaha jira iyo guulaha laga gaaray dhanka Horumarinta Biyaha iyo Tamarta Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay Hormarinta Biyaha iyo Tamarta Puntland, isagoona kula dardaarmay ka qeybgalayaasha inay si wanaagsan uga doodaan sidii loo hormarin lahaa Biyaha iyo Tamarta deegaanada Puntland.

Munaasabadda furitaanka Shirka wada-tashiga ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Agaasimaha Wakaallada Hormarinta Biyaha Puntland, Hay’adaha caalamiga ah ee Puntland ka taageera Hormarinta Biyaha iyo Tamarta iyo khuburo.

Idilnews