Wasiir Xaange “4-tii sanno ee lasoo dhaafay waxaa Puntland laga hor istaagtay Mashriic hormarineed” (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland, Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa sheegay in 4 sanno ee lasoo dhaafay aysan Puntland helin mashaariicdii hormarineed ee ay xaqa u laheyd, kaddib markii ay is hortaag ku sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Xaange oo ka hadlayay Munaasanad lagu daah-furayay ‘5 Mashruuc oo ka mid ah Barnaamijka ILED’ ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ay si gaar ah u bartilmaameedsatay Puntland, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale, Wasiirka Qorsheynta Puntland ayaa xusay in deeqaha caalamka qeybtooda soo marta DFS, laga hor istaagay inay ka fulaan deegaanada Puntland oo ah halka kali ah ee ay ka fuli karaan dalka Soomaaliya, maadama ay tahay deegaanada ugu nabdoon ee Dalka.

Idilnews