Wasiiro ka socda Dowlad Gobaleedyada oo gaaray Gobalka Gedo (Sawirro)

Wafti Wasiiro oo ka socda  Dowlad Gobaleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa maanta gaaray magaalada Garbaharrey ee xarunta Gobalka Gedo.

Wasiirada ayaa ah Guddi uu Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble u magacaabay Dib-heshiisiinta Gobalka Gedo, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Maamul Gobalka, waxaana ay kulamo la qaadan doonaan Maamulka, Isimada, Waxgaradka iyo Bulshada Gobalka Gedo.

Guddiga Wasiirada ah ayaa isla maanta kulan la qaatay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi, kaas oo ay kala hadleen sidii xal deg-deg ah loogu heli lahaa khilaafka Gobalka Gedo.

Idilnews