Ciidanka Booliska oo howlgallo ka fuliyay magaalada Muqdisho (VIDEO)

Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Soomaaliya, gaar ahan Booliska & Nabadsugida ayaa waxaa ay xalay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo dad badan lagu qabtay.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen dhamaan Xaafadaha degmada Hodan, waxaana Ciidamada ay joojinayeen dadka wadooyinka maraya, iyaga oo qaarkood xiray, sidoo kale howlgalka uu ahaa mid guri guri ah.

Taliyaha Booliska degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortagga cid kasta oo liddi ku ah amniga, sida Al-Shabaab iyo Kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysta.

Sidoo kale, Taliye Bashiir ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid aad loogu adkeynayo amniga Caasimadda, maadaama ay dhawaan bilaaban doonaan howlaha doorashooyinka, isla markaana howlgallada ay sii socon doonaan.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.