Deegaanka Bacaadweyn oo laga bilaabay dunimta guryaha wadada soo galay (VIDEO)

Dowladda Hoose ee degmadda Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ayaa ka bilowday deegaanka Bacaadweyn Olalaha naqshadeynta waddooyinka deegaanka, kaas oo lagu baneynayo waddooyinka muhiimka ah ee deegaanka, laguna burburinayo dhismayaasha sida khaldan looga dhistay jidadka.