Golaha Wasiirada Jubbaland oo walaac ka muujiyay xaalada Gobalka Gedo (Sawirro)

Shirka golaha wasiiradda Dowlad Jubbaland oo todobaad walba la qabto ayaa waxaa maanta shir guddoomiyey Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Waxaana shirka maanta looga hadlay qodobo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen baaq nabadeed oo ay goluhu u direen golaha beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Sidoo kale golaha wasiiradda ayaa waxay walaac ka muujiyeen mashaariic horumarineed oo lagu fulin lahaa gobolka Gedo in laga fulin waayay kadib markii ay faragelin ciidan ku samaysay Dowlad Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka golaha wasiiradda Jubbaland ayaa waxaa warbixinno laga dhageystay wasaaraddaha Haweenka iyo xuquuqul insaanka, Deegaanka iyo Dalxiisa, Xannaanadda iyo xoolaha iyo wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Markii kulanka soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo hannuuninta dadweynaha Jubbaland Faarax Macalin Bishaar.

Idilnews