Hiiraan: Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday saldhiga Ciidanka Itoobiya

Weerar madaafiic ah ayaa lagu qaaday Saldhig Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Dadka kunool degaanka Halgan ayaa waxaa y sheegeen in madaafiic dhowr ah ku dhaceen xerada Ciidamada Itoobiya & agagaarkeeda, hayeeshe aysan xaqiiin karin khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ay dhankooda madaafiic dhowr ah uga jaawaabeen weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa sheegay inay ku dhaceen Hoobiyeyaasha Gudaha Xerada Ciidamada Itoobiya khasaarana ku gaarsiiyeen, in kastoo aysan jirn warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.