Maxay ka wada-hadleen Sheekh Shariif iyo Safiirka Norway ? (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Wakiilka gaarka ah ee Dowladda Norway u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen.

Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha doorashooyinka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu uga mahadceliyay Safiirka taageerada Norway la garab taagan tahay Soomaaliya.

"Waxaan maanta kulan la qaatay wakiilka gaarka ah ee dowladda Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen, oo aan ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Waxaan uga mahad celinay dowladda Norway dadaalka iyo taageerada ay marwalba la garab taaganyihiin Soomaaliya, iyo sida ay usoo dhaweeyeen kumanaan Soomaali ah oo dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay ka qaxay."