Shirka Hormarinta Biyaha iyo Tamarta Puntland oo lagu soo gaba-gabeeyay Garoowe (VIDEO)

Waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Shirka Wada-tashiga Bah-wadaagta Biyaha iyo Tamarta Puntland, kaas oo muddo labo maalmood ah soconayay.

Shirka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta Bah-wadaagta Biyaha iyo Tamarta Puntland, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Biyaha iyo Tamarta deegaanada Puntland.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland Maxamed Siciid Qoloombi, oo soo xiray Shirka ayaana kula dardaarmay Bah-wadaagta Biyaha iyo Tamarta Puntland inay ka shaqeeyaan sidii Bulshada Reer Puntland u heli lahaayeen Biyo iyo Tamar ku filan.

Idilnews