VIDEO: Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo ka shiray u diyaar garowga doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiislaha gollaha Wasiirada,.kaas oo ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Todobaadkan ayaa shirka waxaa looga hadlay Arimaha Amniga, Dhaqaalaha,iyo u diyaar garoowga Doorashooyinka oo dhawaan bilaaban doona.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa Warbixino kala duwan oo la xiriirta Shaqadooda ay siiyeen Madaxweyne Cabdi Casiis laftagareen, iyaga oo soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay iyo Shaqooyinka kale ee horyaalla.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa faray dhamaan Xubnaha Golaha Wasiirada inay dardar geliyaan howlaha Shaqo oo ay u hayaan Bulshada, isla markaana ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda Shaqo.

Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed oo Khamiis walba la qabto ayaa waxaa diirada lagu saaraa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaannada Koonfur Galbees iyo dardar gelinta howlaha Amniga.