Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo soo saaray Jadwalka Guud ee doorashada (Akhriso)

Guddiga doorashada heer Federaal ee FIET ayaa soo saaray jadwalka guud ee doorashada Baarlamaanka labada Aqal, waxaana jadwalka cusub uu yahay habraacyada doorashada Xildhibaannada labada Aqal iyo dhaarintooda.

Sida ka muuqata Jadwalka ayaa taariikhda meelo qaar uga duwan jadwalkii ay dhowaan soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana uu jadwalkan uu dhigayaa in 7 October la dhaarinayo Xildhibaanada labada Aqal, halka jadwalkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran uu dhigayay in 10 October la dooranayo Madaxweynaha Soomaaliya.