Maxay ka wada-hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dhigiisa Dalka Qatar ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wada-hadal khadka telefoonka la yeeshay dhiggiisa Dalka Qatar Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheikh Khaalid Bin Khalifa ayaa ka wada-hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, sida lagu sheegay Qoraal uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Idilnews