XOG: Puntland iyo Jubbaland oo ka horyimid qorshe ay wadeen Farmaajo iyo Rooble

Rooble oo uu gadaal ka riixayo Farmaajo sida ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan,ayaa soo jeediyay in dhaqaalaha kasoo xarooda Musharaxiinta Doorashooyinka lagu soo xareeyo khasnada Dowlada Dhexe ee Fadaraalka.

Soo jeedintaas waxaa aqbalay 3-da Maamul ee kala ah Hir-shabelle,Koonfur-galbeed iyo Galmudug,waxaase iska diiday Puntland iyo Jubbaland, sida la ii xaqiijiyay.

“Ma jirin nidaam Maaliyadeed oo aan kuwada shaqaynaynay ama aan ku midaysnayn,marka sabab aan Xamar lacag ugu rarno magaranayno”Ayuu igu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan Puntland.

Beesha Caalamku waxay ufasaxday oo dhawaan gaari doona Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah Lacag dhan 7-Milyan oo Dolar.

Sida lawada ogsoon yahay dhaqaale xoog badan,ayaa kal Doorasho walba kasoo xarooda Musharaxiinta,waxaana Sanadkan la filayaa in ay ka saa’id ahaan doonto kuwii hore.

Jibril Qoobey.