Baarlamaanka Puntland oo ku celiyay Xukuumadda MD Deni Xeer ay u gudbisay (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL, waxaana fadhiga soo xaadiray 40 Mudane.

Fadhiga maanta waxaa Golaha warbixin la xiriirta hindise xeereedka Dhowrista Goobaha Taariikhiga ah ka hor jeediyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta oo gacan ku hayey Hindise xeereedkan, iyagoo kulamo wada tashi ah kala yeeshay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Dawladda Puntland, waxayna Golaha u soo jeediyeen in dib loo celiyo Hindise xeereedkan maadaama uu ka hor imanayo Xeer Lr.3 ee ku saabsan Akademiyada Puntland ee Hiddaha iyo Dhaqanka, soona baxay 15/01/2007.

Ugu dambeyntii, Golaha Wakiillada ayaa ka cod aqlabiyad ah ku taageeray soo jeedinta Guddiga.