Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobalka Gedo oo soo gaba-gabeeyay kulamadii Garbahaarey (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka & Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Hon. Mohamed A. Dhabancad oo ka mid ah Guddiga dib u heshiisiinta Gedo ee arrimaha doorashooyinka oo ay weheliyaan xubnaha kale ee guddiga ayaa maantay Magaalada Garbaharey ku soo gabagabeeyey hawlihii wadatashiga bulshada Deegaanka ay la lahaayeen maalmihii la soo dhaafay oo ay u joogeen Gobolka Gedo.

Kulamada ayaa ku saabsanaa sidii loo abuuri lahaa jawiga qabsoomidda doorashada Federalka ee kuraasta loo asteeyey magaalada Garbahaarey ee Jubbaland

.Kulan oo ay soo qaybgaleen maamulka, odayaasha deegaanka, haweenka, dhalinyarada, Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo ka mid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo waxaana ugu damayn dadka reer Gedo cadeeyeen inay doorashada diyaar u yihiin waxaana si guul ah oo jawi wanaagsan ah kusoo dhamaaday kulamadii maalmahaaan ka socday Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo ee Jubaland.