Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay geerida Prof. Maaliguur

Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo dhammaan labada gole ee Dowladda waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaanna qoyskii iyo ehelkii uu ka geeriyooday Prof. Cabdicasiis Sheekh Maxamuud ( Maaliguur) oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Maanta waxaa magaalada Muqdishu ka socota qaban qaabada aaska Alle ha u naxariistii Prof. Cabdicasiis oo maalmo kahor geeriyooday.

Marxuumku wuxuu ahaa bare wax ka dhiga Jamaacadaha dalka wuxuuna dalka ugu soo laabtay si uu aqoontiisa, khibradiisa iyo waayo-aragnimadiisa uga faa’iideeyo ardayda Soomaaliyeed iyo bahda waxbarashada.

Idilnews