Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo kulamo ka wada magaalada Nairobi (VIDEO)

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulamo looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa kulamadooda la yeelanaya Wakiilo ka socda qaar kamid ah dalalka Reer Galbeedka iyo khaliijka, kuwaas oo si weyn u daneynaya inay saameyn ku yeeshaan halganka loogu jiro soo xulashada hoggaamiyaha afarta sanno ee soo socota xukumaya Soomaaliya.

Sidoo kale, Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la kulmay siyaasiyiin kamid ah kuwa Soomaalida ee ka qeybta ah Dowladda Kenya, ganacsato iyo xubno kale. Waxaana sidoo kale jira kulamo labadan Madaxweyne ay la qaateen qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee u sugan Nairobi.Magaalada Nairobi ayaa xilliga la gaaro doorashada Soomaaliya noqota, saldhiga ugu weyn ee olalaha doorashada Madaxweynaha, waxaana haatan ay u muuqataa inay isugu tagayaan jilbo culustii siyaasadda Soomaalida.

Idilnews