Maxay Qoonsatay ku Dowlada fadaraalka ah Warbixinta Midowga Afrika ??

Maxay Qoonsatay ku Dowlada fadaraalka ah Warbixinta Midowga Afrika ??

Dowladda Soomaaliy,ayaa ku gacan sayrtay warbixin kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya.


War kasoo baxay xukuumadda,ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirrada ay shir deg deg ah ka yeelanayaan arrintan, dhawaanna bayaan kasoo saari doonaan.


Warbixinta,ayaa umuuqata in ay si weyn u dhaliishay hogaaminta Farmaajo muujisayna in aysan Somaliya wax horumar ah samayn 4-tii sano ee udanbaysay laguna fashilmay dhamaan arimihii muhiimada lahaa.


Hadaba Warbixinta soo baxday waxa ku qornaa ee saska ku riday Dowlada Dowlada Fadaraalka ah maxaa ka mid ah??


Qodobbada lagu faahfaahiyay waxay kala yihiin”


1.Arrimo ku saabsan Soomaaliya iyo saamaynta hannaanka guud ee dowlad dhisidda
2.Faahfaahin ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya
3.Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaalia (AMISOM)
4.Wadashaqaynta ka dhaxaysa Midowga Afrika (AU) iyo beesha caalamka
5.Waddooyinka u furan howlaha Midowga Afrika ee Soomaaliya 2021 kaddib
6.Xogo la ogaaday iyo Talooyin.


warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay qeexay in gacmo shisheeye ay faraha kula jiraan howlaha la xiriira horumarka Soomaaliya iyo in Qabiilooyinku weli saamayn weyn ku leyihiin Dowladnimada.
Dhinaca amaankana, “Xaaladda amni ee Soomaaliya way xasilan tahay balse ma aha mid la saadaalin karo”, ayaa lagu yiri war bixinta.

“Ma jiraan dhismeyaal maamul oo ay dowladda leedahay, sida maxkamado iyo saldhigyo boolis, xarumo caafimaad, kuwo wax barasho iyo goobo kale oo loogu adeego shacabka,” ayaa ka mid ahaa erayada ku jira war bixinta la sheegay inay kasoo baxday guddiga Midowga Afrika.


“Caqabadda aasaaska ah ee hor taagan xasiloonida Soomaaliya waa in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku guul darraysteen dhammastirka dastuurka qabyo qoraalka ah, xal u helista awood qaybsiga iyo wadaagista kheyraadka”, ayaa lagu yiri war bixinta.


Talooyinka lagu soo jeediyay waxaa ka mid ah in wixii ka dambeeya 2021 howlgalka Amisom lagu wareegiyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah. Ama in Soomaaliya la geeyo ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika.
Sidoo kale waxaa waddooyinka furan lagu daray in Amisom ay ka baxdo Soomaaliya kaddibna mas’uuliyadda Amniga lagu wareejiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.


Ilaa hadda ma cadda qodobbada qodobbada gaarka ah ee ay ka biyo diidday dowladda Soomaaliya, iyadoo laga war dhowrayo jawaabta faahfaahsan ee ay xukuumadda ballan qaadday.

Jibril Qoobey.