Midowga Afrika Oo soo saaray warbixin si weyn uga caraysiisay Dowlada fadaraalka Somaliya

Guddiga Qiimeynta madax bannaan ee Midowga Afrika,ayaa soo saaray warbixin xaalka Somaliya ah,taasoo aan lagala tashan Dowladda Federaalka ah ee hada jirta.

Warbixinta oo ka kooban dhowr iyo sodon bog,ayaa waxaa ka mid ah qodobo xiiso leh,,,

1.In ciidan isku dhaf ah loo soo diro Soomaaliya oo isugu jira AU iyo UN wajiga koowaad ee bisha Janaayo 2022 illaa December 2022, kaasoo ah howlgal cusub.

2.In uu ugudbi doono hawlgalku wajiga labaad oo bilaabaya Janaayo 2023 illaa December 2023, kaasoo ah howlgalka xasilinta oo awooddooda lagu kordhinayo Ciidanka dowladda heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada.

3.In Howlgalkaas uu soo gabagaboobi doono 2026, Ciidamada Soomaaliya ay la wareegi doonaan ammaanka dalka.

Warbixinta Midowga Afrika,ayaa nuxurkeedu waxuu yahay mid meesha ka saaraysa bixitaanki AMISOM iyo in ciidamada dowladdu la wareegaan amniga dalka mudo dhow sidii horay loogu heshiiyay ee uu dhigayay qorshaha kala guurka ee AMISOM iyo ciidamada Dowladda Somaliya (Somali Transition Plan).S

idoo kale Midowga Afrika waxuu ku baaqaysaa in magacaha howl-galka AMISOM la badalo oo Qaramada midoobey ay qeyb ka noqoto iyo in la isticmaalo ciidamo cusub oo Gobolka ah sida East African Stand by Force (EASF).

Waxaa kaloo Warbixinta Midowga Afrika dalbaneysaa awood dheeri ah in laga siiyo dhanka hoggaaminta siyaasadda iyoi Amniga dalka, taas oo meesha ka saareysa awoodda Dowladda Federalka ah oo hada hoggaamisa Siyaasadda Amniga dalka.

Jibril Qoobey.