Shirka dardar-gelinta Booliska Isku-dhafka ah ee G. Mudug oo ka dhacay Gaalkacyo (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa shir gudoomiyey Shirka Dardar galinta Ciidanka Booliska Isku-dhafkaa ee Gobolka Mudug

.Shirkan ayaa waxaa goob joog ahaa Xildhibaan Cabdiweli indhaceel, Lataliye sare Amniga iyo Siyaasada ee UNOPS ilhaan Cali Gassa, Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Galmudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Puntland, Taliyayaasha Saldhigyada Degmada Gaalkacyo Galmudug, iyo Saraakiil.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa loo saaray Gudi ka kooban shan qof sidii loo dar-dar galin lahaa Ciidanka Booliska Isku-dhafka Gobolka Mudug.